Kulammo looga Tashanayay Geeddi-socodka Doorashooyinka 2020 oo lasoo Gunaanaday

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa soo xiray kulammadii wada-tashiga Dadweynaha ee ay wadeen guddiga madaxa-bannaan ee dorashooyinka Qaranka oo dhacay dalka oo dhan.

Kulammadaas ayaa intii ay socdeen diiradda lagu saaray qorshaha Istaratiijiga ah ee salka u noqon doona howlaha uu wado guddigu, iyagoo bixiyey tallooyin ku aaddan waddooyinka ugu habboon ee lagu hirgelin karo doorashooyin qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddoomiye Eng. Yarisow oo munaasabadda xiritaanka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in kulamadani ay dhabaha u xaari doonaan sidii loo heli lahaa tallooyin wanaagsan oo ay isku raacsan yihiin dadweynaha Soomaaliyeed, waxuna uga mahadceliyey guddiga kulamadii wadatashiga ee ka dhacay G/Benaadir ee bulshada lagu weydiinayey tallooyinka.

“Waxaa jirta rajo wanaagsan oo muujinaysa in dadka Soomaaliyeed talada dib loogu celiyo si ay go’aan uga gaaraan cidda matalaysa, maamulka G/Benaadir na qorshihiisu waa in taladu ay dib ugu noqoto shacabka. Muqdisho waa muraayaddii midnimada iyo wadajirka ummadda, waana in ay horseed ka noqoto doorashoyinka dhacaya sanadka 2020”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan waxa uu kula dar-daarmay dadkii ka faa’iideystay wadatashiyadan in dib ay ugu celiyaan talada degmooyinkii ay ka yimaadaan, si shacabku ay ugu sii diyaar garoobaan una bartaan wax-yaabaha looga baahan yahay si ay doorashadu u dhacdo.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay si loo gaaro doorashooyin guud oo dhaca sanadka 2020 in loo baahan yahay caqabadaha jira in looga gudbi karo isku tanaasul, dulqaad iyo in qof walba ogaado danta ugu jirta sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Maamulka sare ee gobolka Benaadir.

PUNTLAND POST