FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxyo is-xigay oo Caawa ka dhacay Muqdisho


Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay Qaraxydii caawa ka dhacay Muqdisho, iyadoo tiro kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska Somalia.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in dhimashadu ay intaas ka badan karto, iyadoo sidoo kale weli la maqalayo rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidammo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Somalia iyo kooxo hubeysan.

Kooxaha hubeysan ee la dagaalamaya ciidamada dowladda Somalia ayaa ku jira sida la sheegayo agagaarka hoteelada SYL iyo Saiyd oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo dowladda Somalia aysan weli ka hadlin labada qarax ee caawa ka dhacay Muqdisho.

“Qarxyadu waxay ka kala dhaceen xarunta madaxtooyada iyo nabad-sugida Somalia, waxaana la hubaa dhimashada shan qof illaa hadda, laakiin tiradu intaas way ka badan kartaa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliiska Somalia oo la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, Waxaa laga baqdin qabaa in gaadiidka ay wateen kooxaha kula jira dagaalka ilaalada madaxtooyada ay ka buuxaan qarxyo, waxaana looga tagay meel ku dhaw koontarool ay ciidamada dowladdu ku sugna yihiin.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho ay dagganayd muddo bil ah, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan caawa gilgilay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa imaanaya xilli Wasaarada Amniga Qaranka ay ka digtay shalay in Qarxyo ay ku jiraan Muqdisho, iyadoo ay muuqato in aysan ciidamada Amniga DF aysan ka hor-tegin Qaraxyadan.

PUNTLAND POST