DANJIRE MADIERA: Horumarka Soomaaliya ka Muuqda waa mid ay Suuro-gelisay AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Somalia, Danjire Francisco Madeira ayaa shalay Muqdisho kulan kula yeeshay qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, kulankaasoo looga hadlay caqabadaha hor-taagan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee dalka jooga muddo 11-sano iyo guulihii la gaaray muddadaas.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb-galay siyaasiyiin, xubnaha bulshada rayidka, bahda ganacsatada ah, culimada, aqoonyahaanno, khabiirrada dhinaca amniga, kuwaas oo weydiiyay hoggaamiyeyaasha sare arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya, meelaha ay dhaqaalaha ka helaan, qorshaheeda ka bixitaanka dalka iyo barnaamijyada tababarka ay siiyaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Iyada oo la isla eegayey guulaha ay gaartay AMISOM, Danjire Madeira ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay garab istaagaan Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah si ay gacan uga geystaan dardargelinta hannaanka xasilinta iyo in dalka dib looga hirgeliyo nabad waarta iyo amni.

“Howlgal waliba waxaa uu u baahan yahay wada-shaqeyn, waxaa uu u baahan yahay qorshe wadajir ah in la sameeyo, oo aan kaliya lala sameyn militariga iyo sirdoonka, balse xitaa kuwa ku howl leh arrimaha bani’aaddinimada, maamullada, dowlad goboleedyada iyo dowladda heer qaran, kuwaas oo aqoon fiican u leh dalka. Sidaasi markii la sameeyo, fursadaha guusha waa ay badnaanayaan, aad ayay u ballaaranayaan. Waana sidaas sida aan dooneyno in aanu sameyno, waana taasi jihada ay qaadeyso xeeladda ka bixitaanka dalka,” ayuu xusay Danjire Madeira.

AMISOM waxaa ay haatan hirgelineysaa qaraarka Golaha Amniga ee QM ee la ansixiyay sanadkii la soo dhaafay, kaas oo meel mariyay dhimista ciidamada iyo in mas’uuliyadda amniga qaranka lagu wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya.

Danjire Madeira ayaa ka dhawaajiyay in AMISOM ay sii wadi doonto in ay si dhow ula shaqeyso dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta, si looga caawiyo Soomaalida in ay hormuud ka noqdaan dalkooda ayna gaaraan horumar waara. Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Afrika, oo ay wehlinayeen hoggaamiyeyaasha sare ee Howlgalka, ayaa AMISOM ka difaacay eedeymaha la xiriira in aysan wax qabad lahayn, isaga oo sheegay in imaatinkooda Soomaaliya ay horseedday wakhti la helay xasillooni ah, ayna dalka cagta u saartay waddadii ay ku gaari lahay doorashada qof iyo cod ee lagu wado in ay dhacdo 2021-ka.

“Waxaa kordhay dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga, waxaa sare u kacay howlaha duulimaadyada caalamiga ah, gaadiidka kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ahba. Waxaa kobac laga dareemaya dhismooyinka iyo ganacsiyo cusub oo ka furmaya dalka, waxaana meesha ka maqneyn tirada sii badaneysa ee hay’adaha dhaqaalaha ee ka jira dalka. Dhammaan isbeddelladan waxaa sabab u ah nabadda hadda lagu naaloonayo ee ka jirta dalka oo idil, taasi oo ay sabab u tahay joogitaanka ciidamada Midowga Afrika,” ayuu Danjiruh hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Waxaa uu si gaar ah u xusay in sugidda amniga geeddi-socodka doorashooyinkii 2016-kii, kuwaas oo lagu soo gabogabeeyay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laguna dhisay baarlamaan ka kooban labo aqal, in ay ka mid ahayd guulaha ugu waaweyn ee laga sameeyay dhinaca siyaasadda, sababo la xiriira iskaashiga u dhow ee ka dhaxeysa AMISOM iyo ciidamada amniga Somalia.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa sheegay in nabadda hadda ka jirta dalka awgeed, ay hay’adaha bixiya deymaha, gaar ahaan Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka, ay dalka dib ugu soo laabteen kaddib in ka badan 25 sano oo ay ka maqnaayeen.

“Bangiga Adduunka waxaa uu haatan taageeraya hay’adaha dowliga ah eee Soomaaliya si ay horumariyaan maamul wanaagga, ay dardargeliyaan dib u soo kabsashada dhaqaalaha ayna abuuraan shaqooyin. Hadda waxaa jiraa jawi wanaagsan iyo kalsooni ballaaran ee lagu maalgashado Soomaaliya,” ayuu yiri Wakiilka.

Sanadkii la soo dhaafay, Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in ay dhici karto in ay Soomaaliya ka caafiso lacago deyn ah oo gaaraya 5.3 bilyan haddii ay dowladdu qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah ee ku aaddan dib u habeynta dhaqaalaha iyo horumarinta maamul wanaagga.

Danjire Madeira ayaa xusay in AMISOM ay xoojisay wada-shaqeynta ka dhaxeysaa iyada iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay u suurtagasho in ay u bulshada u fidiso adeegyo wanaagsan.

“Arrimahan dhammaan waxaa raacsan taageerro farsamo oo joogta ah oo ay AMISOM u fidiso dowladda kuwaas oo ku aaddan arrimaha sharci dejinta, jinsiga, dib u heshiisiinta, iyo maareynta iyo xallinta khilaafaadka,” ayuu raaciyay.

Wakiilka Midowga Afrika ayaa hase yeeshe xusay in tobanka sano oo ay AMISOM ku sugneyd dalka aysan ku joogin caqabad la’aan, caqabadahaas oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.

“Weli waxaa taagan caqabado aad u culus ee dhinaca ammaanka kuwaas oo aan la yareysan karin. Caqabadahaasi waxaa ka mid ah, xagjireynta lagu sii wado dhallinyarada, shaqaaleynta, tababarka, tashkiilinta, iyo in carruurta maskaxdoodii lagu shubo fikrado khaldan si ay u qaataan xagjirnimada ayna geystaan falal argagixiso ah. Waxaan u baahannahay in aan dib u kabsanno carruurtan, iyo sidoo kale laabta iyo maanka dadka la shaqeeyo argagixisada,” ayuu raaciyay.

Isaga oo ka jawaabayo su’aalo ay soo jeediyeen ka qayb-galayaasha, ayuu Danjire Madeira ka sheegay kulanka in Midowga Afrika ay sameysay koox ka kooban ergey khaas ah kuwaas oo gacan ka geysanaya in ay abaabulaan bah-wadaagta dhinaca horumarinta in ay ku taageeraan AMISOM iyo Soomaaliya dhaqaale la saadaalin karo, si ay ugu suurtagasho in ay si hufan ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jim Owoyesigire, iyo ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM, Christine Alalo, ayaa ku raacay hadalkii uu soo jeediyay Danjire Madeira, ayaga oo sheegay in Howlgalka Midowga Afrika ay sii wadi doonto in ay Soomaaliya ka taageerto  dhisidda hay’ado dowli ah oo xooggan kuwaas oo muhiim u ah soo celinta nabadda iyo amniga.

Madaxa Heritage Instite, oo ah hay’ad Soomaaliyeed oo la talin ah, Cabdirashiid Xaashi, ayaa soo dhaweyay kulanka asaga oo sheegay in ay ka caawisay Soomaalida in ay faham wanaagsan ka helaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

“Waxaan u maleynayaa kulanka waxaa uu ahaa mid furan, waxaan isleeyahay AMISOM iyo Soomaalida, labada dhinacba, ay hal ama labo shey ka barteen maanta,” ayuu yiri Mudane Xaashi.

Ugu dambeyn Maxamed Shire oo ah qof falanqeeya arrimaha amniga, ayaa sidoo kale ku ammaanay qaban-qaabiyeyaasha in ay bixiyeen goob iyo fursado lagu arrinsado xeeladda ka bixitaanka dalka ee AMISOM. “Kani waxaa uu ahaa kulan aad u wanaagsan, oo dhacay xilligii loo baahnaa, xilli aan ka fikireyno qorshaha ka bixidda dalka ee AMISOM,” ayuu raaciyay Shire.

PUNTLAND POST