Burcad-badeed weerartay markab xamuul ah.

Ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in rag looga shakisanyahay burcad-badeed Soomaaliyeed ay jimcihii maanta weerar ku qaadeen markab xamuul ah.

Markab oo ku gooshayey calanka dalka Singapore ayaa ka soo shiraacday dekedda Sohar ee dalka Oman,wuxuuna ku sii jeeday magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika,xilliga ay burcaddu ku weerartay xeebaha Soomaaliya,laakiin ilaaladii markabka ayaa ka difaacay,siday ay sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Xamuulka markabka saarnaa ayaa lagu sheegay 50,000 metric tonne oo kiimiko ah,waxaana weeraray laba laash oo nooca dheereeya ah,inkastoo aysan u suurta-gelin in ay afduubtaan.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net