Al-shabaab oo dusha u ridatay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Qasaaraha oo Kordhay

Muqdisho (PP) ─ Dadka ku dhintay labadii Qarax ee maqrinimadii caawa ka dhacay Muqdisho ayaa tiradodu waxay gaartay 20-qof, iyadoo tiro 40-qof ka bandanna ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen hay’adaha caafimadka Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab oo hadal ay soo saareen ku sheegay in weli uu socdo iska-horimaad u dhexeeya xoogag ka tirsan kuwooda iyo ciidamada dowladda Somalia.

Sidoo kale, Khasaarihii ugu badnaa ayaa waxaa dhaliyay Qaraxii ka dhacay agagaarka Hotel Jubba, halkaasoo la xaqiijiyay iay ku dhinteen 18-qof in ka badan 30-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Halka uu ka dhacay Qaraxa koowaad ee khasaaraha badan dhaliay ayaa inta badan maalinta Jimcaha ah wuxuu ahaa goob ay dadku ku badan yihiin, kuwas oo intooda badan kasoo laabanaya Xeebta Liido oo maanta oo kale mashquul ah.

Dhanka kale, Qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ilaalo ka ahayd madaxtooyada oo la kulmay weerarka, iyadoo welina la maqalyo rasaas goos-goos ah oo halkaas ka dhacaysa.

Balse, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somalia ayaa sheegay in weerarkaas lasoo afjaray, isla markaana la dilay shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-shbaaab, kuwaasoo uu sheegay inay ahaayeen kuwii weerarradan soo qaaday, ayna soo gudbin doonaan faahfaahinno intaas ka badan maalinta berri ah.

Ugu dabeyn, Ciidammo badan oo kuwa Dowladda Somalia ka tirsan ayaa ku sugan haatan goobihii ay Qaraxyadu ka dhaceen, iyadoo weerarkan uu ku soo beegmayaan xilli Dowladdu ay digniin ka bixisay Qaraxyo laga baqdin qabo inay caasimadda ka dhacaan.

PUNTLAND POST