Soomaaliya Oo Kaalinta Koowaad Ka Gashay Dalalka Ugu Musuq Maasuqa Badan Caalamka

Puntland Post-Warbixin ay soo saartay Transparency Internation ayaa waxa ay shaaca uga qaaday in dalka Soomaaliya uu weli kaalmaha hore kaga jiro Wadamada ugu musuq maasuqa badan Caalamka.

Liiskaan Sanadlaha ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa muujinaya in Soomaaliya oo ka mid ah Wadamada Qaarada Afrika ay kaalinta koowaad ka gashay musuq maasuqa.

Hay’adda ayaa qiimeyn ku sameysa musuq maasuqa ay sameeyaan madaxda Dowladda taas oo aan wax ciqaab ah u marin.

Hay’adda oo soo xiganeysa khuburo sameeyay baaritaano ayaa sheegtay in dalalkaan la soo saaray heerka uu gaarsiisan yahay musuqa ka jira lagu cabiray 1 illaa 100,dalalka ugu horeeyana ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post