Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Turkiga oo Waddo ka dhagax dhigay Muqdisho

Feb, 22, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa kulan soo dhawayn ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Cawuşoglu, iyo wafti ballaaran uu hogaaminiyey, waxuuna Soomaaliya u yimid dardargalinta mashaaariic horumarineed oo dalkaTurkigu uu ka fuliyo Soomaaliya iyo xoojinta heshiisyo ganacsi oo ay wada galayn labada dawladood.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay booqashada uu Soomaaliya ku joogo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo wadankiisa labaad yimi, waxuuna u mahed celiyay shaqaalaha safaaradda iyo safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, sida ay marwalba ula shaqayaan dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga qayb qaataan xaaladaha deg deg ah ay marar qaar la kulmaan shacabka Soomaaliyeed.

Hakan Cawuşoglu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa ka warbixiyay socdaalkiisii uu ku marayay qaarada Africa iyo booqashadiisa Soomaaliya, isagoona maanta dhagax dhigay jid isku xiridoona magaalada Muqdisho iyo xarun lagu tobaboro ciidamada oo ay dhismaheeda hirgaliyeen Turkiga. Waxuuna bogaadiyay Goloha midowga ee wasiiradda dhaqaalaha labada dal, heshiiska Kulluumaysiga ee Soomaaliya, Xoojinta Amnigga, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dardaergalinta siyaasada loo dhanyahay oo dhamaantood ay ku guulaystay Xukuumadda haatan jirta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga ka codsaday in la fuliyo heshiiskii dhaqaalaha ee ay wada saxiixdeen labada dal iyo in bangiyada dalka Turkiga ay xarumo ka furtaan Soomaaliya iyo sidoo kale in la balaariyo xarunta ay Turkigu ku tobobaraan ciidmada Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa waftiga la wadaagay in ay ka caawiyaan habkii ay biyo xirayn ugu samayn lahaayeen Wabigga Shabeelle oo haatan qalallay.

Riisul Wasaare Khayre ayaa cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dadyowga kale ka dhawaystaan walaalahooda reer Turki, taasina ay tahay dareen ay ku abuurteen qalbiyada dadka Sooomaaliyeed, waligoodna ma iloobi doonaan sidii aad u garab istaagtayn wakhti ay dawladnimadoodu daciif ahayd.