Mulkiilihii Carwo Quraab oo shil gaari ku dhintay

Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood ee Puntland,sida ay xaqiijiyeen ehelada mid kamid ah dadka geeriyooday.

Labada ruux oo shilka ku dhintay waxaa kamid ah Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise(Good) oo ahaa ganacsade garab-rarato ah,kana shaqeysan jiray magaalooyinka waaweyn ee Puntland,sida Garoowe iyo Laascaanood.

Ninkaan ayaa sameeyay ganacsi abuur si mucjiso ah u shaqeeya,isagoo la baxay magaca”Carwo Quraab”,islamarkaana garbaha ku qaadan jiray dhammaan waxyaabaha uu gadayo oo ay ku jiraan miraha iyo Xabagta.

Jaamac Maxamuud Maxamed Ciise(Good) ayaa marar badan lagu arki jiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Garoowe isagoo ganacsigiisa wareejinaya,waxaana aad u jeclaa dadweynaha oo ku bogaadin jiray shaqada adag ee uu hayo,maadaama isagoo keligiisa ah uu qaadi jiray badeecadaha uu iibinayo,haddana uu la lugeyn jiray gaari la’aan.

Ninkaan ayaa hal abuurka ganacsi waxaa u dheeraa kan maanso,wuxuuna ahaa afmaal hab qosol leh u curiya gabayo iyo geeraarro macaan.

Magaca uu la baxay ee Quraab ayuu micnihiisa ku sheegay qaraabasho oo loola jeedo in qofku wax badan sedkiisa raadiyo,halkii uu meel iska fariisan lahaa.

Halkan ka daawo Wareysi uu maalmo ka hor siiyay BBC Somali.

Sawirro