Militariga Maraykanka oo sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka gaysteen Soomaaliya ay ku dileen saddex ka tirsan Xagjiriinta Al-shabaab.

Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta oo Isniintii ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe aan wax rayid ah khasaare ka soo gaarin.

Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika faahfaahin kale kama bixin weerarka,balse duqeynta ayaa noqonaysa tii afraad ee Maraykanku ka geystay Somaliya sannadkaan gudihiisa.

PUNTLAND POST