Madaxweyne Gaas oo amar ku bixiyay in la ilaaliyo hantida Umadda Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa maanta amar ku bixiyay in la ilaaliyo hantida dowladda ee u dhexaysa umadda reer Puntland.

Madaxweyne Gaas oo hadal ka jeediyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirada ayaa ku adkeeyay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda in ay xil iska saaraan ilaalinta hantida umadda,gaar ahaanna gaadiidka GD,sida ku xusan qoraal ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya,iyadoo Puntland ay gelayso xilli kala guur ah,islamarkaana ay mudadii xil hayntiisa ka hartay wax ka yar sannad.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa Wasaaradda Ganacsiga Puntland u sheegay in ganacsatada iyo shacabka Puntland loo sameeeyo wacyi-gelin guud oo ku saabsan khatarta iyo waxyeellada badeecadaha dhacay u leeyihiin bulshada.

Mudane. Gaas ayaa sidoo kale bogaadiyay hawlgalkii ciidanka dowladda Puntland ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee lagu fashiliyay dhagartii argagixisada Al-shabaab u maleegayeen shacabka ku nool magaaladaasi.

PUNTLAND POST