Dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia,ayaa saaka Xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga ka sii daysay in ka badan 1400 oo mabaaxiis ka tirsan Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF.
Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan wada-hadal la gashay Jabhaddaasi oo muddo dheer dagaal ka waday dowlad-degaanka Soomaalida,waxaana wada-xaajoodka ku jiray dalab ka yimid Jabhadda ONLF oo ku aaddanaa in la siidaayo maxaabiista ka xiran ee ku jira xabsiyada Ethiopia.
Maxaabiista haatan ay sii daysay dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sida wararku sheegayan waxaa ku jira qaar sannado badan xirnaa,taasoo loo arko tallaabo lagu kasbanayo Jabhadda,si ay miro-dhal u noqdaan wada-hadalada bambe ee loo ballamay.