Dowladda Soomaaliya oo ka digtay gaari miinaysan oo Muqdisho la soo geliyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay gaari miinaysan oo ay sheegtay in Al-shabaab soo gelisay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya,Maxammmed Abuukar isloow oo maanta warbixin siiyay shirkii Golaha Wasiirada, ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ku jiro gaari nooca NOAH oo Al-shabaab qaraxyo ku soo rartay,islamarkaana loo ekaysiiyay gawaarida shirkadda Sahal ee ka shaqeeya garoonka diyaaaradaha Aadan Cadde.

Isloow ayaa sheegay in Al-shabaab doonayaan weerarro qorshaysan oo ay ka geystaan goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho,wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan,haddii ay arkaan gawaari ay ka shakiyanna ay hay’adaha amniga u soo gudbiyaan.

Wasiirka ayaa ciidamada Amniga ee magaalada Muqdisho ku amray in ay deg deg ah gacanta ugu soo dhigaan gaarigaas,si umadda looga badbaadiyo dhibaatadiisa.

PUNTLAND POST