Kulan Muqdisho ku Dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Degmooyinka

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusman (Yarisow) ayaa sheegay in hufnaanta hannaanka maamulka iyo maaliyadda ay asaas u tahay shaqada maamulka gobolka, sidaa daraadeedna kor loo qaadi doono isla-xisaabtanka heer gobol iyo heer degmo.

Inj. Yarisow oo guddoominayay kulan todobaadle ah oo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo maamulka gobolka ay yeeshaan ayaa xaqiijiyay in ujeedku uu yahay daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo in si siman ay uga wada faa’iideystaan bulshada gobolka Banaadir.

“Maamulka degmooyinku waxa ay laf dhabar u yihiin baahinta iyo daadajinta adeegyada asaasiga ah. Si taas loo xaqiijiyana waa in aad horseed ka noqotaan qorsheyaasha ku saleysan la dagallanka musuqmaasuqa iyo in si caddaalad ah loogu adeego bulshada gobolka,” ayuu yiri Guddoomiyaha oo la hadlayey maamulka degmooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa Warbixinno ku saabsan Ammaanka, adeegyada asaasiga ah, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran ka dhageystay Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa degmooyinka ayaa ka wada-arinsaday la-tashiyada bulshada gobolka Banaadir ee ku aaddan geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Ugu dambeyn, Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir C/raxmaan Yarisow, ku wehelinayay ku-xigeennadiisa arrimaha Bulshada Basmo Caamir Axmed, Howlaha Guud Aadan Sheekh Cali Fiidow, Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur iyo sidoo kale Xog-hayaha Guud ee Gobolka Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

PUNTLAND POST