Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano kala duwan qaadday 

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta qaadday imtixaanka boosas shaqo oo cusub kuswaas oo ka bannaan qaybo kamid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda eek a faaiidaysanaya Mashruuca Tayaynat hay’addaha dawladda ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawiyo dawladda Puntland.

Boosaskaan ayaa waxaa kamid ahaa:

  1. M&E Sectoral Head Section
  2. M&E National Development Plan
  3. Fisheries Monitoring, Monitoring, Control and Surveillance
  4. Live Stock Production
  5. Disease Control and Surveillance
  6. Laboratory and Quality Head Section
  7. Research and Statistics Head Section

Tartamayaasha ayaa isugu jirey dhallinyaro Jaamacadaha  dalka iyo kuwa dibadda kasoo qalinjebiyey kuwaas isugu jira kuwa soo shaqeeyey oo haysta khibrad iyo waayo-aragnimo ku filan iyo kuwo aan weli shaqo bilaabin.

Shaqaalaha ayaa marka uu dhammaado hannaanka kala duwan ee imtixaanka qaybtooda guuleysata waxay ka hawl-geli doonaan Wasaaradaha Beeraha, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha iyo Qorshaynta waxaana laga rajeynayaa in isbeddel mugleh laga dareemo xarumaha dawladda.

Barnaamijkaan ayaa ku qotoma ballanqaadkii Madaxweynaha ee ah tayaynta iyo dib u habaynta shaqaalaha dawladda waxaana uu noqday mid si weyn looga dareemay guud ahaan Puntland muddadi afarta sanno ahayd ee ay shaqaynaysey xukuumadda hoggaamiyey Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.