Dowladda Mareykanka oo Beenisay in Askari Loogu Dilay Gudaha Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa wax kama Jiraan ku tilmaamtay war ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadanaa in askar Mareykan ah ay ku dileen Soomaaliya.

Waaxda dowladda Mareykanka u qaabilsan howlgalada Africa ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano “Africom” ayaa gaashaanka ku dhufatay jiritaanka askar looga dilay Soomaaliya.

“Majiro wax askari oo na looga dilay, ama xitaa  nalooga dhaawacay howl galka ka dhacay Soomaaliya ”  sidaas waxaa wakaalada wararka ee dalka Shiinaha ee la yiraahdo Xinhua u sheegay afhayeenka Africom Samantha Reho.

Shalay Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar dabagal ah ay ku qaadeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Soomaali ah Duleedka Kismaayo ayna ku dileen Ciidamo Mareykan ah iyo Sarkaalkii hogaaminayay.

Dowlada Mareykanka ayaa sanadkaan xuujisay weerarada ay Al-Shabaab ku qaadeyso oo isugu jiro kuwa dhanka cirka ah iyo dhulkaba iyaga oo gacan siinaya ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post