Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah oo Garoowe shir ugu soo xirmay

Shir muddo saddex beri ah uga socdey magaalada Garoowe  Hay’adaha Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Federaalka, Dawlad goboleedka Jubbaland iyo dawladda Puntland ayaa  ayaa maanta kusoo xirmay Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay Hay’adaha shaqaalaha rayidka ah ee dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ahi u yeelan samaysan lahaa wadashaqayn rasmi ah iyo xiriir joogto iyo sidii loo samayn lahaa shuruuc ay kuwada shaqeeyaan hay’adahaasi si loo dardar geliyo shaqada Qaranka.

Waftiga dawladda dhexe shirka uga qayb geleyey ayaa waxa hoggaaminayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Qaranka, Waftiga Jubbaland waxaa hogaaminayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalah rayidka ah ee JL ah dhinaca Puntland ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee PL iyo guddoomiye ku xigeenka.

Waxaana lagu soo bandhigay shirka muuq baahiye lagu muujinayey qaabka ay u dhisan yihiin hay’adahaasi iyo shuruucda ay ku shaqeeyaan,  sidoo kale goobta waxa laysku weydaarsadey aqoon kala duwan oo la xiriirta sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan loona gaari lahaa guulo hor leh.

Ugu dambayn Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa lagu ammaanay qaabka ay u shaqayso iyo guulaha ay ka gaartey dhinacyada shuruucda iyo shaqaalaysiinta isla markaana waxaa laysla qaatay in ay noqoto Hormuudka Hay’adaha shaqaalaha Rayidka ah Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.