Bosaso[Puntland Post] Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari, ayaa baaq ay soo saareen waxay kaga hadleen dhibaatada ka dhalatay kharashaadka iyo adeega la siiyo xujayda Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ka soo xajiya.
Culumo ka hadashay shir Jaraa’id oo lagu qabtay masjid Rowda ee magaaladda Bosaso, waxaa ka mid ah Sheekh Axmed Daahir, Sh. C/rashiid Abu Saalax, Sh, Faarax Cajab iyo Sheekh Axmed Maxamuud Faarax.
Culumada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, Maamul goboleedyada iyo shirkadaha diyaaradaha inay u fududeeyaan, islamarkaana ay u naxariistaan dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay soo xajiyaan.
Halkan ka Daawo
Cabdiqani Boos
Puntland Post- Bosaso