Chelsea iyo Barcelona oo barbaro galay tartanka Champions League-ga

Kooxaha Chelsea iyo Barcelona ayaa kulan xiiso iyo xamaasad badan oo ka tirsanaa lugta hore ee wareega 16-ka tartanka horyaalada kooxaha Yurub ee Champions League-ga ku yeeshay Garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

Ladabada kooxood ayaa kulankan ku kala baxay barbaro 1-1 ah, waxayna labada goolba yimaadeeen qeybtii danbe ciyaarta.

Willian oo ahaa xidigii kulanka ayaa Chelsea hogaanka u dhiibay daqiiqadii 62-aad, kadib markii uu kubbad uu ka leexsaday Busquets shabaqa meel hoose ka galiyay, wuxuuna sidoo kale goolka ka hor uu tiirka ku dhuftay kubbada.

Balse Lionel Messi ayaa daqiiiqadii 75-aad goosha barbarah u keenay kooxdiisa Barcelona, kadib markii uu shabaqa dhexdhigay kubbad sahlanayd oo uu xerada ganaaxa dhexdeeda u soo dhigay Iniesta.

Goosha Lionel Messi ka dhaliyay Chelsea waxay noqotay gooshii ugu horeysay ee uu shabaqa kooxdaas taabsiiyo 9 kulan oo ay wada dheeleen tartanka Champions League-ga.

Labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga oo ka dhici doona magaalada Barcelona, waxaana faa’iido barbarahan ku qabta Barcelona, maadaama ay wadato gool marti ah.

Dhanka kale  kooxda Bayern Munich ayaa 5-0 ugu awood sheegatay kooxda Besiktas ciyaar ay min laba ka dhaliyeen Muller iyo Lewandowsk, wuxuuna ahaa kulan kale oo  ka tirsan wareega 16-ka ee Champions League-ga

PUNTLAND POST