Canshuurtii iibka ee Wasaarada Maaliyadu ay soo rogtay oo lagu Tilmaamay Sharci-darro


Muqdisho (PP) ─
Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Baarlamaanka Somalia ayaa sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, taasoo dhalisay khilaaf keenay inuu hakado ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo dhaq-dhaqaaqii Dekedda weyn ee Muqdisho.

Shir ay guddiyada joogtada baarlamaanka ku yeesheen Muqdisho ayaa u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ka hadalkan arrintan muranka dhalisay, kuwaasoo kulan la qaatay ganacsatada Banaadir, kana dhageystay cabashadooda.

Qoraal uu saaray guddigan oo ka koobnaa shan Qodob ayaa lagu sheegay in sharci-darro ay tahay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaarada Maaliyada ee canshuurta iibka ee 5%, isla markaana la dhaqan-gelin karin.

Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasaaradda ka dalbaday inay horkeento baarlamaanka shuruucda canshuurta oo tifaftiran 30-ka bisha Abriil ee soo socota, waxaa kaloo labada guddi ku wargeliyeen wasaaradda maaliyadda in canshuur aanay soo marin baarlamaanka Somalia aanay dhaqan gelin karin Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Haddaba Halkan ka akhriso Qoraalka ay Guddiyadu soo saareen;

PUNTLAND POST