Gaari xamuul ah oo shil ku galay duleedka Garoowe, Maxaa khasaare ka dhashay?

Ugu yaraan hal ruux ayaa dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe,sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka gobolka Nugaal.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhexaysa tuulooyinka Laanta-hawada iyo 22 aad oo bari ka xiga madaalada Garoowe,waxaana halkaasi ku geddoomay gaari xamuul nooca loo yaqaan Caga-badanta,kaasoo ka yimid dhinaca Boosaaso kuna sii jeeday Koonfurta Soomaaliya.

Gaariga shilka galay ayaa siday xamuul raashin ah oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka gobolka Nugaal,Ismaaciil Xirsi Shirwac(Qabaal) oo warbaahinta kula hadlay goobta shilkaasi ka dhacay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhilku dhacay.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST