Diyaarado duqeymo culus ka geystay Saldhig ay Al-shabaab ku leedahay Degmada Jamaame

Jamaame (PP) ─ Waxaa dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay saaka diyaarado u geysteen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa sida la sheegayo sababtay Qaraxyo waa-weyn ayaa cabsi-gelisay dadka Jamaame ku nool, kuwaasoo sheegaya inay duqeyahan cabsi weyn geliyeen, maadaama degmadaas ay ka mid tahay kuwa ay Kooxda Al-shabaab haysato.

Shacabka ku nool Jamaame ayaa sheegay in saakay ay kusoo tooseen jugta madaafiicda culus, kuwaasoo ku dhacayay saldhig ay Al-shabaab degmadaas ku leedahay, waxaana magaalada oo dhan dul-hee-haabyay diyaarado kuwa dagaalka ah, sida ay dadku sheegeen.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay kusoo aaday xilli saldhigga la weerara ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo doonayay inay ka qayb-galaan shir degmadaas uga furmayay saraakiisha kooxda.

Saldhigga la duqeeyay ayaa 5-km u jira degmada Jamaame, waxaana warar hoose oo la helayo ay sheegyaan in duqeyntaas ay khasaare xooggan kasoo gaartay saraakiisha Shabaab, inkastoo aan tiro rasmi ah la hayn.

Ugu dambeyn, Duqeyntan ayaa imaanaysa xilli ay xilliyadii u dambeeyay sii kordhayeen duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ka geysanayeen deegaannada Koonfurta Somalia ee ay Al-shabaab ka taliso.

PUNTLAND POST