Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee PSF ayaa maanta hawlgal qorshaysan ku dilay saddex ka tirsan argagixisada Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Hawlgalka oo laga fuliyay degaannada Dhadhaabo iyo Ceeldibir oo hoosyimaada buuraleeyda calmadoow ee gobolka Bari ayaa sidoo kale lagu soo qabtay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab,kuwaasoo loo gudbiyay xabsiyada magaalada Boosaaso.

Qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ee PSF ayaa lagu xusay in ay jiraan dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay malayshiyaadka Al-shabaab ee hawlgalka lagu qaaday.

Warar hoose oo PUNTLAND POST ay ka heshay taliska PSF ayaa sheegaya in halkaasi lagu weeraray koox ka tirsan Al-shabaab oo ku dhuumanayey meel gebi ah,islamarkaana qaarkood ay carareen iyagoo dhaawacyo qaba.

Taliska ayaa intaasi raaciyay”ciidanka PSF ay sii wadi doonaan hawlgallada joogtada ah ee ay kaga hortagayaan falalka argagixisanimo ee kooxaha cadowga ah ee damacoodu yahay in ay geystaan falal argagixisanimo oo ka dhan ah shacabka iyo dawladda Puntland”.