Al-shabaab oo sheegtay inay Jubbooyinka ku dileen Askar isugu jira Mareykan iyo AMISOM

Kismaayo (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in Dagaal ka dhacay dulleedka Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ay ku dishay askari Mareykan ah iyo afar askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM, inkastoo kooxdu aysan sheegin khasaare kasoo gaaray dagaalka.

Warbaahinta taageera Al-shabaab ayaa sheegay in dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Yoontoy iyo Buulo-gaduud lagu dilay Askari Mareykan ah iyo Askar kale oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ka hawl-gala Soomaalya.

Sidoo kale, Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in shalay gelinkii dambe ay dagaallo ka dhaceen duleedka Kismaayo, kaasoo u dhaxeeya ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, Kenya iyo ciidammo Mareylanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter-ka ay dul heehaabayeen deegaanka dagaallada culusi ay ka dhaceen, iyadoo weli ay xaaladdu kacsan tahay.

Dhanka kale, Ma jirto illaa iyo hadda war ka madax-banaan sheegashada Al-shabaab ee ku aaddan dilka Aksariga Mareykanka ah iyo Ciidamada kale ee ka tirsan AMISOM.

Ciidamada Mareykanka ayaa ka taageera Ciidamada Kumaandoosta Somalia hawl-galada ka dhanka Al-shabaab ee ka dhaca deegaannada kala duwan ee ay ay Kooxdani ka maamusho Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Maamulka Jubbaland iyo Talisyada Ciidamada AMISOM iyo Mareykanka ee Somalia ayaan weli ka hadlin dilka la sheegay in askartooda ay u geysatay iyo dagaalka ay la galeen.

PUNTLAND POST