Taliyaasha Booliiska iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo maanta lagu wado in la magacaabo

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulan deg deg ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay taliyaal cusub u magacaaban ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliiska Soomaaliyeed, saddex bilood kadib markii xilka laga qaaday taliyaashii hore.

Warar hoose oo saaka ay PUNTLAND POST ka helayso Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in kulanka maanta lagu magacaabi doono taliyaashaasi,inkastoo aan xog laga hayn ciddda loo magacaabayo.

Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo khilaafka u dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda dalka iyo Ganacsatada magaalada Muqdisho,iyadoo warbixin laga dhegaysan doono Wasiir Beyle.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulanka ka horjeediyo warbixin ku saabsan halka ay marayan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolada Koonfurta.

Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net