Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo Arbacada booqasho ku imaanaya Soomaaliya.

Sida qorshuhu yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga,Hakan Çavuşoğlu ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadanaysa todobaadkaan ku tegi doona dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha debadda dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in maalinta talaadada ah uu Mr.Çavuşoğlu magaalada Khartoum kula kulmi doono dhigiisa waddanka Suudaan,Bakri Hassan Saleh,iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashigooda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sidoo kale booqan doona Jasiiradda Suakin ee dalka Suudaan,halkaasoo uu ka socdo mashruuc muran xooggan dhaliyay oo dowladda Turkigu maal-gelinayso.

Mashruucan ayaa lagu doonaya in Jasiiradda Suakin looga sameeyo xarun dalxiis oo ay maamusho xukuumadda Turkiga,balse dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa arrintaasi ka carooday iyagoo Turkiga ku eedeeyay in uu halkaasi ka dhisayo saldhig militari oo halis ku ah amnigooda.

Jasiiradda Suakin oo ku taalla xeebta galbeed ee Badda Cas,ayaa 261nautical miles u jirta Jeddah oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sacuudiga.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga,Hakan Çavuşoğlu ayaa Arbacada booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka Soomaaliya,isagoo la kumi doona madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyrre,sida lagu xusay qoraalka lagu daabacay Wasaaradda Arrimaha debadda Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doona xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga,arrimaha Amniga iyo deeqaha turkigu siiyo Soomaaliya,sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha debadda Turkiga

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar