Wasiirka Difaaca Itoobiya oo beeniyay inay ciidamadu la wareegayaan Awooda dalkaas

Addis Ababa (PP) ─ Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Siraj Fegessa ayaa ka dhawaajiyay maanta inaysan jirin qorshe ay ciidamada dalkaas awoodda kula wareegayaan, maalin kaddib markii dalkaas lagu soo rogay xaalad deg-deg ah, isla markaana ay sii xoogeysanayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin wax dowlad KMG ah oo dalkaas loo samaynayo, kaddib markii Ra’iisul Waaarihii hore ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu ku dhawaajiyay Khamiistii inuu xilka iska-casilay, sababo la xiriira rabshadaha dalkaas ka taagan dhawrka sano.

Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Dalka Itoobiya ayaa socon doonta muddo lix bilood ah, iyadoo laga baqdin qabo in lagu kordhiyo muddo kale oo gaaraysa afar bilood, si amniga guud ee dalkaas looga dhigo mid degen.

Wasiirka Difaaca Itoobiya ayaa hadalkiisa ku daray in xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay dalkiisa ay mamnuucayso dibadbaxyada ka socda inta badan dalkaas, sidoo kalena lagu soo af-jari doono dibadbaxyada muddo 15 maalmood gudahood ah.

Golaha wasiirrada Itoobiya, ayaa iyaguna sheegay in rabshadaha dalkaas ka socda ay mas’uul ka yihiin dhibaatooyinka taagan oo ay ka mid yihiin sida ay hadalka u dhigeen dhimashada, weerarrada qowmiyadaha iyo dhaawacyada soo gaaraya shacabka iyo askarta.

Amarkan ayaa imaanaya xilli dalka Itoobiya intiisa badan ay ka soconayaan dibadbaxyo rabshado wata, kuwaasoo xoogeysanayay sannadihii aynu kasoo gudubnay, inkastoo xukuumaddu ay ku guul-darreysatay inay rabshadahaas hakiso.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, waxaa dalka Itoobiya ka socday banaan-baxyo rabshado wata, kuwaasoo galaaftay nolosha boqollaal qofood oo isugu jiray askar iyo shacab, inkastoo xaalad deg-deg ah oo dalkaas la geliyay 2016-kii lagu guuleysan waayay in dhibaatooyinkan lasoo af-jaro.

Xaaladdii hore ee deg-degga ahayd ee Itoobiya la geliyay ayaa sababtay in la xiro 22,000 oo qof oo isugu jiray siyaasiyiin, shacab dibadbaxyadaas gar-wadeen ka ahaa, inkastoo intoodii badnayd lasii daayay bishan gudaheeda.

Ugu dambeyn, Hay’adaha caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa horay u sheegay in dhibaatooyinka ka taagan Itoobiya ay waxyeello kasoo gaartay dad badan oo shacab ah, inkastoo dowladdu ay beenisay eedeymahaas.

PUNTLAND POST