R/W ku Xigeenka oo Garoonka Muqdisho ku qaabilay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xukuumaddu ka soo qaadday Liibiya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Gulleed (Khadar) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo qaaday dalka Liibiya, halkaasi oo ay muddo ku xannibnaayeen. Dadkan ayaa iskood u go’aansaday in ay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen kooxaha dadka ka ganacsada ee loo yaqaan “Magafayaasha”.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay dadaal badan ku bixinayso sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka dibadiisa, isla markaasna horay dalka loogu soo celiyey maxaabiis laga soo qaaday dalal dhawr ah oo ay muddo sanooyin ah ku xirnaayeen.

Mudane Khadar ayaa sidoo kale xusay in Xukuumaddu ay sii wadayso dadaalada ay ugu jirto badbaadinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalalka caalamka, isagoo hadlayana waxa uu yiri:

“Aad baan runtii ugu faraxsanahay inaan Garoonka diayaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyo dad Soomaaliyeed oo iskood u go’aansaday inay dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan, iyagoo ka tanaasulay tahriibka”

“Xukuumadda Federalka Soomaaliya, wax dadaal ah lama hari doonto sidii ay u soo badbaadin lahayd muwaadiniinta ku dhibaataysan dalalka caalamka. Waxaa jira dadka kale oo Soomaaliyeed oo laga soo qaadi doono dalka Liibya.”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dhillinyaradan ay billow u yihiin kooxo kale oo ku sugan dalka Liibiya, kuwaas oo dalkooda dib loogu soo celin doono. Xukuumadduna waxay diyaarinaysaa sida ugu haboo uguna dhaksiyaha badan ee lagu soo qaadi lahaa shacabka ku dhibaataysan Liibiya.

 

DHAMAAD

PUNTLAND POST