Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Xiray Jarmalka

Madaxda dowladda Garmalka ayaa cadeesay in ay xireen wiil 20-sano jir Soomali ah, kaas oo looga shakiyay in xiriir dhaw uu lalahaa Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Somaliya.

Wiilkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay, in uu ku kacay dambiyo ay kamid tahay in uu gaystay dil.

Abduqaadir ayaa waxaa 2012-kii lagu eedeeyay in uu ku biiray  Al-shabaab, asagoona ka qayb qaatay tababaro fara badan oo ay kooxda  bixisay, waxaana sidoo kale loo haystaa in uu ku lug lahaa weerarka lagu dilay shaqsi ku cibaadeysanayay Masjid ku yaala Magaalada muqdisho.

Waxaana sidoo kale Abduqaadir looga shakiyay dilka xubin muhiim ah oo katirsan dowladda federaalka Somaaliya, kaas oo ka badbaaday weerarkii lagu qaaday.

Wiilkaan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abduqaadir ayaa dowladda jermalka waxa ay sheegtay in qoyskiisu ay ka soo qaxeen soomaaliya, soona gaareen gudaha dalka Jermalka sanadkii 2014-kii.

PUNTLAND POST