Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga Puntland oo shir u qabatay Nabadoonnada

Shir ku saabsan doorka Nabadoonnada Puntland ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Garoowe.

Shirkaan oo daba socday shirar hore oo hay’addu u qabatay dhalinyarada iyo haweenka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,mas’uuliyiin ka socday dowladda,Nabadoonnada Puntland,culimaa’udiin,maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland Mudane. Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn shirka ka hadlay ayaa sheegay in haatan Puntland ay ka socoto dib u-habayn lagu samaynayo hay’adaha dowladda,taasoo la xiriirta in la ogaado heer Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hay’adaha dowladda.

Mudane.Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sidoo kale sheegay in Nabadoonnada Puntland ay kaalinta ugu weyn ka geysteen dowladnimada iyo horumarka Puntland,islamarkaana ay yihiin kuwa qiima weyn ugu fadhiya umadda,sidaasi darteedna ay shirkaan ku saabsan doorka Nabadoonnada Puntland ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ay u qabteen.

Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo kamid ah culimaa’udiinka waaweyn ee Puntland ayaa shirkaasi ka soo jeediyay hadal waano ah uu diiradda ku saaray ahmiyadda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa,taasoo uu sheegay in Diinta Islaamku ku dhisantahay,isagoo Nabadoonnada ku waaniyay in mas’uuliyadda ay yahaan Ilaahay uga cabsaadan.

Dhammaan Nabadoonnadii kasoo qeybgalay shirkaan ayaa si weyn u soo dhoweeyay dadaalka hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ay ugu jirto ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa ee degaannada Puntland.

Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa shirarka noocan oo kale ah dhowaan ku qaban doonta magaalooyinka kale ee Puntland.

Halkaan ka daawo

halkaan ka eeg sawirada.

PUNTLAND POST