Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir -Ceergaabo oo la wareegay lacag dhan [$70,000]

Bosaso[Puntland Post] Guddiga Wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayaa Bah-wadaagta Reer Saalax kaga gudoomay Deegaanka Midigale ee Gobalka Sanaag taakulo lacageed oo dhan Todobaatan kun oo doolar ($70,000) oo ay ugu talagaleen Mashruuca Dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.

Munasabad kooban oo lacagtan lagu wareejinayey ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Midigale oo ka tirasan Gobalka Sanaag.

Waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobalka Sanaag, Gudiga dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ,Odayaal ka socday Bah-wadaagta Reer saalax iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka Midigale.

Nabadoonka guude ee beesha Reer saalax Cabdiqaadir Maxamed Saalaax oo lacagta ku wareejiyey gudiga wadada aya xusay in markasata ay garab taagan yihiin dhameystirka wadada oo mihiimad u leh buslahada deegaankasi.

Aniga oo ku hadlaya afka bulshada Bah-wadaagta Reer saalax waxan halkan ku wareejinaynaa taakulo lacageed oo dhan [$70,000] oo doolar oo anu ugu talagalnay in aanu ku dhiirigalino guduga gacanta ku haysa dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo si loo dhameystiro. sidaas waxa munasabada wareejinta lacagta ka sheegay Nabadoonka guud ee Bah-wadaagta Reer Saalax.

Agaasimaha mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo Maxamed Mahad Ciise ayaa cod dheer ku sheegaya in loo baahan yahay in wadada inta ka dhiman meel looga soo wada jeesto dhameystirkeeda.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Gudoomiyaha dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo oo deeqadan lacageed kala wareegay Bah-wadaagta Reer Saalax ayaa ka mahad celiyey deeqadan waxaana uu buslahada kale ugu yeeray in dhankooda ay taageero muujiyaan si guusha loo gaaro.

Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaciil ayaa dhankiisa bulshada Bah-wadaagta Reer saalax ku amaanay sida ay dhiirigalinta ula garab taagan yhiin gudiga gacnta ku haysa dhismaha wadada.

Shacabka deegaanka Midigale oo ka tirsan gobalka Sanaag waxaa lagu xasuusta in ay horay u bixiyeen Xoolo isugu jiray Geel iyo Ari , waxaana ay sheegeen inay ka go’antahay taageero kasta oo ay kaga qeyb-qaadanayaan Dhismaha wadadaa oo si iskutashi ah lagu hirgelinayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Pos-Bosaso