Real Madrid oo guul ka gaartay PSG tartanka Champions League-ga

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda PSG oo ay isku arkeen lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga.

Real Madrid oo difaacanaysa tartankan garoonkeeda Santiago Bernabeu ugu awood sheegatay PSG 3-1 oo ay labo kamid ah yimaadeen dhamaadkii ciyaarta, wuxuuna ahaa kulanku mid aad u xiiso badan, madaama labada kooxood ay joogaan xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta xiligan.

Kooxda PSG ayaa goolka la hormartay waxaana daqiiqadii 33-aad u dhaliyay Adrien Rabiot, balse Cristiano Ronaldo ayaa kubbad gool kulaad ah ku barbareeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna ahaa goolkii 100-aad uu Real Madrid u dhaliyo tartanka Champions League-ga.

Dhamaadkii ciyaarta Daqiiqadihii 83-aad iyo 86-aad Real Madrid ayaa la timd labada Gool ee ay guusha ku gaartay, waxaana u kala saxiixay Cristiano Ronaldo iyo Marcelo, waxayna ciyaartu ku soo gabagabowday 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Real Madrid ayaa kulanka lugta labaad ee wageegan booqan doonta guriga kooxda reer Faransiis ee PSG, iyadoo kalsooni dheeraad ah ku qabta in ay u soo bixi karto wareega Sideed dhamaadka tartankan, madaama ay lugtan ku  badisay 3-0, waxaana kulankaas koooxda martida loo yahay ee PSG u yaala shoqo culus oo ah in ay la timaado natiijo midaan oo kale ah ama ka badan.

Real Madrid ayaa tartanka Champions League-ga ku soo guuleysatay labadii sano ee ugu danbeeyay, waxayna wali u muuqataa mid sii difaacan karta.

PUNTLAND POST