Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Rai’sul wasaaraha dalka uu gudbiyay iscasilaadiisa.

Hailemariam Desalegn ayaa sidoo kale la sheegay in uu iska casilay gudoomiyanimadii xisbiga haya talada dalkaasi ee People’s Revolutionary Democratic Front.

Ilaa iyo haatan lama sheegin sababta ka dambaysa is casilaadiisa.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waa la xirxiray saddexdii sano ee ay socdeen dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladdiisa.

Xisbia haya taladda dalka Itoobiya ayaa ku kala qaybsamay qaabka loo wajahayo dibadbaxyada socda.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post