Heshiis nabadeed oo laga gaarey colaadii Gumburka Cagaarane.

Gogol nabadeed oo la dhigay deegaanka Maygaagle Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa lagu guulaystey heshiis rasmiya oo la kala dhex dhigay colaada labo beelood oo walaalo ah oo muddo dheer ku dirirayay xadka u dhaxeeya Hawdka Gobolka Sool,Nugaal iyo Mudug.

Heshiiska la kala dhexdhigay labada beelood waxaa goobjoog u ahaa Issimo gaaraya ilaa 14 issim,Odoyaal, Jaaliyaddo, Aqoonyahano, waxaana garwadeen ka ahaa labo guddi oo kala yimid Gobolladda Nugaal iyo Sool.

Aadan Maxamed Ciise Gaadaale oo xubin firfircoon ka ahaa guddi bilihii u dambeeyay ka shaqeynayay xal u helida colaada labada beelood ee walaalaha ayaa sheegay in xal rasmiya laga gaarey colaadaas oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso 81 qof islamarkaana heshiis loo kala saxiixay labada dhinac.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay gogosha lagu soo afjarey colaadda labada beelood Issimo ay ka mid yihiin Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo hogaaminayay Guddiga ka socday Gobolka Nugaal,Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax, Garaad Jaamac Garaad Cali, Suldaan Siciid Cismaan iyo Dad kale oo miisaan ku leh bulshada.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST