Dowladda Puntland oo canshuurtii ka dhaaftay hantida laga soo badbaadiyay doontii caariday.

Dowladda Puntland ayaa Galabta ku dhawaaqday in gebi ahaanba Canshuurtii laga dhaafay hantida laga soo badbaadiyay doontii dhowaan ku caariday xeebta magaalada Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje) oo Galabta ka hadlay shir jaraa’id oo ay qabteen lix kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ayaa shaaciyay in gebi ahaanba aan wax canshuur ah laga qaadi doonin hantida laga soo badbaadiyay doomtaasi oo gaaraysa $7 malyan oo Dollar.

Wasiirada Shirka jaraa’id ka hadlay oo kala ah Wasiirka Maaliyadda,Cabdullaahi Siciid Carshe(Dhaqaaje) ,Wasiirka Ganacsiga Cabdiweli Xirsi Cabdulle(Indha-guran),Wasiirka warfaafinta Cabdi Xirsi Cali(Qarjab),Wasiirka Amniga Axmed Cabdullaahi Yusuf(Dowlad),Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdirashiid Maxammed Xirsi,Wasiirka iyo Wasiirka Haweenka,Maryan Axmed Cali ayaa dhammaantood si weyn u soo dhoweeyay dadaalka Shacabka iyo maamulka goboka Bari ay u galeen badbaadinta hantidaasi

halkaan ka daawo Shirka jaraa’id ee Wasiirada.

PUNTLAND POST