Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland maanta waxaa ka dhaceysa Doorashada Kursigii uu ka dhintay Allaha u naxariistii Marxuum Ex. Wasiir Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.
Magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yarey.
Doorashada Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiin doonaya in ay ku guuleeystaan xilkaasi.
Dadka Tartamaya waxaa ku jira Walaalka Marxuum Cabaas Siraaji oo la yiraahdo Maxamuud Siraaji.
Wali Waxaa ka maqan Baarlamaanka Soomaaliya 3 kuraas taasi oo dhowaan doorashadooda ay ka dhaceeyso qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada.
Faah Faahinta kala soco Puntland Post Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho