Wasiir Cawad oo beeniyay hadal ka soo yeeray Somaliland.

Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegay in uu kulan Siyaasadeed la qaatay.

Mudane. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in uusan jirin kulan rasmi ah oo uu la yeeshay Wasiirka lagu magacaabo Sacad Cali Shire oo ka tirsan maamulka Somaliland,balse uu Hoteel ku salaamay isagoo la socda dad kale dabadeedna ay si caadi ah wada-sheekaysteen,taasoo aan la xiriirin wax siyaasad ah.

Wasiir ka tirsan maamulka Somaliland oo magaciisa lagu sheegay Sacad Cali Shire ayaa dhowaan Saxaafadda ugu warramay in uu dalka Ethiopia kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane. Axmed Ciise ,islamarkaana ay ka wada-hadleen arrimo khuseeya labada dhinac.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST