MUQDISHO: Askari dhaawacay Masuul dowladeed

Askari Katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Muqdisho ku dhaawacay masuul katirsan Dowlada Soomaaliya.

Cabdullaahi Cabdikariin Maxamed Xiireey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada iyo Ciyaaraha dowlada Soomaaliya ayaa askari si bareer ah u dhaawacay.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Beerta Nabadda ee Muqdisho halkaasi uu Cabdullaahi uu dhiganaya Gaarigiisa askarina uu is hor istaag kala kulmay.

 

intaasi kadib askariga ayaa ilaa 3 xabo dhanka caloosha kaga dhuftay waxaana dhaawaciisa iminka loo qaaday isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal ciidamada ay u geeystaan masuuliyiin dowlada ka tirsan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho