Maxaa ka jira in Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland rukhsado siiso maraakiib iyo doomo jariif ah.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda Puntland ayaa maanta ka jawaabtay warar soo baxay oo tibaaxay in wasaaraddu ay si sharci-darro ah rukhsad u siisay maraakiib iyo doomo jariif ah,kuwaasoo Xeebaha Puntland ka xaday kheyraad fara-badan.

Agaasimaha guud iyo Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa faahfaahiyay sida ay wasaaraddu u bixiso shatiyada Kalluumeysiga ee maraakiibta iyo doomaha ka jillaabanaya xeebaha Puntland.

Agaasimaha guud Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda dowladda Puntland, Cali Xirsi ayaa shir jaraa’id ku soo bandhigay qoraallo ku saabsan rukhsadaha ay bixiso Wasaaraddu ee maraakiibta la siiyo,isagoo gebi ahaamba beeniyay in la sharciyeeyay jariif iyo xatooyo lagu hayo xeebaha Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumeysiga Puntland,Cabdirashiid Maxammed Xirsi oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa difaacay shatiyada ay Wasaaraddiisu bixiso ee la siiyo maraakiibta iyo doomaha ka jillaabta xeebaha Puntland.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id oo dhammaystiran.

PUNTLAND POST