Gaas oo sheegay in Xukuumaddiisu aanay ku shaqeyn warka Shacabka

Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ay Xukuumadda Soomaaliya ku qancisay in xiisadda ka taagan Tukaraq lagu xalliyo wada-xaajood dhex mara madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,kaasoo lagu ballansanyahay dalka Jabuuti.

Inkastoo aanay jirin cid wararkaasi xaqiijisay,haddana tan iyo markii la maqlay shacabka reer Puntland ayaa si weyn u hadal haya,waxaana ka dhashay caro xooggan oo dadweynuhu ka muujinayan in duudsiga intaasi le’eg lagu sameeyo umadda reer Puntland,islamarkaana loo bahdilo gobol kale.

Si lamid ah xubno ka tirsan Golaha Wakiilada Baarlamanka Puntland aya soo jeediyay in kulan deg deg ah loogu yeero madaxweyne Gaas,si arrintaasi wax looga weydiiyo. Xildhibaannada ku baaqay kulankan deg degga ah ayaa badankoodu ka soo jeeda gobolka Sool ee haatan ay ka jirto xiisadda Colaadeed.

Dhinaca kale madaxweynaha Puntland cabdiweli Maxammed cali(Gaas) oo Galabta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ayaa mar wax laga weydiiyay carada shacabka Puntland ee ku aaddan dayaca Xukuumadda Gaas ee difaaca dalka? Wuxuu ku jawaabay” Hadde annagu Shacabka warkiisa kuma shaqeynnu,dowladduna kuma shaqeyso”.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Gaas.

PUNTLAND POST