Shir ku saabsan doorka haweenka ee Maamul wanaagga iyo la-dagaallanka Musuq maasuqa

Shir ku saabsan doorka haweenka ee sare u qaaddidda Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Garoowe.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed Cali,Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Puntland Marwo. Siciido Xuseen Cali, Guddoomiyaha Ururweynaha Haweenka sagaalka gobol ee Puntland Marwo. Khadro Warsame Jaamac, gabdhaha aqoonyahannada ah ee Wax ka barta Jaamacadaha gudaha iyo marti sharaf kale oo haween u badan.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland Mudane. Cabdiraxmaan Cali Guureeye oo ugu horrayn hadal ka jeediyay shirkaan ayaa faahfaahiyay ujeedka ay shirkaan ka leeyihiin,isagoo sheegay in haweenku yihiin udub dhexaadka bulshada,sidaasi darteedna ay kaalinta kowaad kaga jiraan la-dagaallanka Musuq maasuqa iyo sare u qaadidda Maamul wanaagga.

Mr.Guureeye ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan madaxweynaha dowladda Puntland magacaabay guddi loo xil saaray cabashooyinka dadweynaha ee ku aaddan shaqaaleysiinta,guddigaasi oo wax ka qabanaya musuq maasuqa iyo nin jeclaysiga ay dadweynuhu ka soo cawdaan,gaar ahaanna shaqooyinka laga raadsado hay’adaha dowladda.

Agaasimaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guddigaan uu madaxda u yahay ee loo xilsaaray cabashooyinka dadweynaha in shaqadoodu noqoto mid taabba-gesha.

Dhinaca kale Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Puntland Marwo. Siciido Xuseen Cali iyo Guddoomiyaha Ururweynaha Haweenka sagaalka gobol ee Puntland Marwo. Khadro Warsame Jaamac oo shirkaan ka hadlay ayaa qiray in haweenku ay yihiin kuwa ugu Musuq maasuqa yar kolkii mas’uuliyad loo dhiibo,waxayna haweenka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay u kacaan sidii aafada Musuq maasuqa dalka looga cirib-tiri lahaa,islamarkaana sare loogu qaadi lahaa Maamul wanaagga.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska dowladda Puntland Marwo. Maryan Axmed Cali oo shirka soo xirtay ayaa sheegtay in haweenku ay aad uga Musuq maasuq yar yihiin ragga,maadaama ay ka beer jilicsan yihiin,laakii aan gebi ahaanba la oron karin waa ka maran yihiin.

Marwo. Maryan Axmed Cali ayaa haweenka reer Puntland ku boorrisay in ay dadaal dheer ku bixiyaan sidii looga takhalusi lahaa cudurka halista ah ee Musuq maasuqa,maadaama ay hooyadu tahay as-aaska bulshada.

Halkaan ka daawo Muuqaalka.

Hoos ka eeg sawirro.

PUNTLAND POST