Booliiska Galmudug oo shaqo joojin ku dhawaaqay.

Booliiska maamul goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin rasmi oo ay uga cabanayaan xuquuq la’aan haysta muddo dhowr sano ah.

In ka badan 500 oo ka tirsan Booliiska Galmudug ayaa diiday in ay ka amar qaataan taliyaashoooda iyagoo sheegay in aysan helin wax mushahar ah muddo dheer sidoo kalena uu hayso dayac iyo darxumo baahsan.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidankan ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ay 48 saac u qabteen madaxda sare ee Galmudug in ay cabashadooda uga jawaabaan,haddii kalena ay sii wadayan shaqo joojinta.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net