Wasiirka Maaliyadda XFS oo daah furay mashruuc shaqo loogu abuurayo Dhalinyarada

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furay mashruuc ku saabsan shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Daahfurka mashruucan oo ah mid loogu tala galay habka shaqo Abuurka loogu sameyn karo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo kaalinta horumarinta Dalka islamarkaana laga qeyb qaato sidii Dalka looga fulin lahaa mashaariic waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xubno ka socday Dowladd Gobaleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Dhaxe iyo Gobalka Banaadir ayaa si isku mid ah isugu raacay in muhiim ay tahay  in laga wadda qeyb qaato horumarka dalka iyo sidii Dhalinyaradda Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa shaqo si looga badbaadiyo tahriibka iyo ku biirista kooxaha arggagixisada.

C/risaaq Mohamed Abuukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Qaranka oo ka hadlay madasha daahfurka mashruucan shaqo Abuurka ayaa shegaay in xafiiska xisaabiyaha guud uu mar waliba diyaar u yahay ka shaqeynta shaqo abuurka iyo howlaha guud ee lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in mar waliba laga qeyb qaato shaqo abuurka Dhalinyaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Feraalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo Daahfuray mashruucan ayaa siweyn uga hadlay ujeedka mashruucani.

‘’Waxaa loo baahan yahay kordhinta wax soo saarka Dalka iyo shaqo abuurka loo sameeyo Dhalinyradda Soomaaliyeed,si ay ugu qeyb qataan hormarka iyo mustaqbalka dalka’’. Ayuu Yiri Wasiir Beyle.

___DHAMMAAD_____