Wasiir Maareeye oo sheegay in Imaaraadka Carabtu yahay isha ugu muhiimsan Ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliy,Maxammed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa Isniintii shalay la kulmay safiirka Imaaraadka carabta u fadhiya magaalada Muqdisho Maxammed Axmed Osmaan.

labada mas’uul ayaa kulankooda uga hadlay horumarinta iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee Imaaraadka carabta iyo Soomaaliya,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay safaaradda UAE ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada mas’uul isla garteen in albaab cusub loo furo iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaale ee soomaaliya iyo Imaaraadka carabta,gaar ahaanna dhinacyada kaabayasha dhaqaalaha,beeraha, xoolaha nool, iyo tamarta.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliy,Maxammed Cabdi Xayir(Maareeye) ayaa kulankaasi ka sheegay in dalka Imaaraadka Carabta uu yahay isha ganacsi ee ugu muhiimsan dalka Soomaaliya,sida qoraalka ku xusan.

PUNTLAND POST