Wasaaradda Waxbarashada XFS oo baaq u dirtay dalladaha Wabarasho ee ka jira Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dalladaha Waxbarasho ee ka jira dalka in ay soo diiwan-geliyaan u fadhiisanaysa imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2017/2018.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho, ayaa ku baaqay inay dalladaha wabarasho ee ka howl gala dalka ay soo diwaan geliyaan Ardayda imtixaanka sanad dugsiyeedka 2017/2018 fasalka 12aad u fadhiisan doonta, waqtigana uu ku egyahay ilaa 15 ka oo labo maalin ay ka dhimatahay , si nidaamka iyo habsami usocodka imtixaanka uu u noqdo mid lagu guuleeysto.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in tirada ardayda sannadkaan imtixaanka u fadhiisan doonta ay kor u kacday, iyaddoo sannadkii horay ay galeen 18kun oo arday ah, hase yeeshee sanadkaan tayadiisa sare lo qaadi doono.

wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa diyaarisay Manhaj mideysan oo buugaagta dugsiga hoose ah, kan dhexen la bilaabi doona inta lagu guda jiro sanad dugsiyeedkaan.