Culimadda Puntland oo baaq u direy Dowladda Federalka Soomaaliya

Shir ay ku yeesheen magaalada Garowe Culimadda Puntland ayaa laga soo saarey bayaan ku wajahan Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed ka dib kulan ay uga xaajoodeen Arrimaha Xajka iyo  Cabashada xoogan ee ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga.

Culimadda ayaa sheegay inay  taageersan yihiin hanaanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa , waxayna ugu baaqeen Dowladda Federalka Soomaaliya inay si buuxda ula wareegto gacantana ku dhigto  arrimaha xajka iyo cumrada dibadda iyo gudaha.

Waxay sheegeen dadka ka dhoofaya Soomaaliya xilliyadda xajka inay noqdeen kuwa qiimaha ugu qaalisan adduunka ku taga Xajka, islamarkaana aysan xamili karin lacag tiro badan oo ay kusoo xajiyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay isugu darsameen colaado iyo abaaro si ka duwan ummaddaha dalalka kale ee caalamka.

Culimadda ayaa sheegay inay taageersan yihiin Mowqifka arrintaan ay ka istaagtey Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Federalka iyo Warsaxaafadeedkii dhawaan  Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland oo dhaliil u jeediyay mid ka mid ah shirkaddaha duulimaadyadda. “ Halkan ka daawo”.

Waxay ugu baaqeen Dowladda Federalka Soomaaliya tartan furan oo xor ah inay helaan shirkaddaha duulimaadyadda ee ka shaqeeya arrimaha xajka, wuxuuna kusoo beegmayaa bayaankoodu xilli uu iska fogeeyay Maamulka Shirkadda Jubba Airways Eedeyntii uga timid Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland.

Hoos ka akhriso bayaanka culimadda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST