Wefdigii Wasiir Xoosh oo Garoowe kulan kula qaatay Baarlamanka Puntland iyo Bulshada rayidka ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamidyihiin xubno ka tirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Gudoomiye Ku-Xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Puntland iyo Gudigga Joogtada ee Golaha Wakiilada Puntland.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka hadlay ujeedada kulanka iyo kaalinta Golaha Wakiilada Puntland ay ku leeyihiin Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

“Wasaaradda iyo Labada Guddi aragti mideysan ayay ka leeyihiin hawsha Qaran waxaanan dooneynaa in aragtideena aan la wadaagno dhamaan Dawlad Goboleedyada si inaga oo gacmaha is heysanna aan guul uga gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka, ujeedada kulankan wadatashiga ahna waa inaan Golaha Wakiilada Puntland aan la wadaagno tubta aan ku gaari lahayn dhameeystirka Dastuurka” ayuu yiri Avv Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Kaamil ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen muhiimadda Dib-U-Eegista Dastuurka,iyagoo sheegay in tashiga ay u yimaadeen uu qeyb ka yahay sidii loo heli lahaa dhammaan aragtida bulshadu ka qabto arrimaha Dastuurka.

Gudoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa ballanqaaday in Golaha Wakiilada Puntland ay doorkooda ka qaadan doonaan Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka.

Dhinaca kale wefdiga uu hoggaaminayo Wasiir Xoosh ayaa Galabta kulan wada tashi ah la qaatay Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee ka tirsan dallada PUNSA iyagooo ka dhegaystay ra’yigooda ku aaddan tubta loo marayo dib u eegista iyo Turxaan-bixinta Dastuurka.

Halkaan ka eeg dhammaan sawirrada.

PUNTLAND POST