Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in la da’dajiyo dhismaha Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo qudbad ka jeediyay Munaasabad Casho Sharaf aheyd oo ay ka qeeyb galeen madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isilwasaaraha ayaa ka hadlay arimo la xariira Maqaamka Muqdisho.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maqaamka Muqdisho ay faa’iido badan ugu jirto umadda Soomaaliyeed isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso loona cadeeyo maqaamka Muqdisho.

Waxa uu Axmed Madoobe ku baaqay in madaxda dalka aanay isku haleeynin Dhismaha Maqaamka Gobolka Banaadir ee la da dajiyo.

Dowladihii dalka soo maray ayaa sameeynayay isku dayo ay ku sameeynayaan Maqaamka Muqdisho inkastoo ay guul dareeysteen.

Waxaa xusid Mudan in Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed iyo Madaxda dalka ay isku qilaafeen Maqaamka Muqdisho taasi oo ugu dambeeyntii keentay in xilka laga qaado.

Hoos ka dhageyso codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho