Dowladda Maraykanka ayaa jimcihi maanta sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka hawlgala,Philippines,Turkey iyo Soomaaliya,kuwaasoo lagu eedeeyay in ay tageeraan mintidiinta Daacish.
Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar oo lagu eedeeyay in uu taageero dhaqaale iyo agab ugu deeqay Daacish iyo shabakadeeda dalka Philippines.
Sidoo kale Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik oo fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa cuna-qabateyn lagu soo rogay,waxaana lagu eedeeyay in uu Daacish u sahlay helitaanka qeybo kamid ah diyaaradaha is-wada.
Mohamed Mire Ali Yusuf oo ah nin Soomaaliya iyo shirkadihiisa, Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Commercial Company ayaa sidoo kale cuna-qabateyn la saaray ,waxaana lagu eedeeyay dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo Daacishta Soomaaliya
Xigasho:-Reuters News Agency
PUNTLAND POST