Madaxweynaha dowladda Puntland ahna guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) ayaa shir ku casumay dhammaan madaxda afarta dowlad gobobeed ee Galmudug,Koofur Galbeed,Hirshabeelle,iyo Jubbaland.
Mudane. Gaas ayaa ku wargeliyay madaxda dowlad gobobeedyada in ay ka soo qeybgalaan shirka labaad ee Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka,kaasoo 20 bisha Maarso lagu qabadanayo magaalada Garoowe,sida ku cad warqad ka soo baxday Xafiiska madaxweyne Gaas oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST.
Shirka ayaa lagu sheegay mid looga tashanayo arrimo khuseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan dalka Soomaaliya,balse lama sii faahfaahin arrimahaasi.
Halkaan ka akhriso