Shirkadda Jubbo Airways oo wax kama jiraan ku tilmaamtay hadal ka soo yeeray Wasiirka Cadaalada Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Mas’uuliyiinta Shirkadda duulimaadka Diyaaradaha ee Jubbo Airweys oo  shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirkadda ee magaaladda Bosaso ee xarunta gobalka Bari, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal dhowaan uu sheegay Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo dhawaan safar dalka dibadiisa ah dib uga soo laabtay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed Xajka ku tagaan lacag qaali ah oo uu ku eedeeyey shirkadda Jubbo Airweys,

Masuuliyiintan ayaa cadeeyey in arintaasi ay tahay waxba kama jiran wasiirkuna uu hubsado hadalka uu lee yahay isla markaana ay shirkado badan ay ka wada shaqeeyan Xajka.

hoos ka daawo Muuqalka shirka Jaraa,id ee Masuuliyiinta shirkada Jubba Airweys.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso